Kaddib markii uu hogaamiyaha fallaagada Riek Machar uu Talaadadii dib ugu laabtay magaalada Juba, ayaa waddanka South Sudan waxaa ka soconaya diyaargarowga dhismaha xukuumad midnimo qaran.
Machar waxa uu ka maqnaa caasimadda tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye bishii Diseembar 2013.
Kooxda Riek Machar ayaa waxa ay kulan saacado qaatay ku yeesheen magaalada Juba, si ay usoo xushaan cidda ku mateli doonta xubnaha wasiirada looga qoondeeyay xukuumadda la dhisayo.
Ilaa iyo haddana magacyadaasi shaaca lagama qaadin.
Dhinaca kooxda Madaxweyne Salva Kiir iyo kooxaha kale ee siyaasadeed oo iyaguna xubno ku yeelan doona golaha wasiirada ayaanan weli shaacin magacyada xubnaha mateli doona.
Siyaasadda halkan ayaa inta badan ku salaysan in shaqooyinka lagu abaalmariyo taageerayaasha, gaar ahaan kuwa loo arko in ay leeyihiin awood milateri ama ay awood dheeraad ah ku leeyihiin qeybaha muhiimka ah ee dalka.
Hasayeeshee dhammaan dhinacyadu waxa ay wajahayaan dhibaato xilli xukuumadda midnimada ay ku jiraan dhowr urur, halka xubnaha golaha wasiiradana ay xadidan tahay.


