DHAGEYSO: Shariif Xasan oo ciidamada ku amray in Al-shabaab ay ka saaraan Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu si kulul uga hadlay dhibaatada ururka Al-shabaab ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka dega gobolada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu kula dar daarmay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM, Boliiska iyo Militariga sidii Al-shabaab ay uga sifeen lahaayeen deegaanada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ka hadlay dhalinyaradii dhowaan doonta kula qalibantey bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga iyo kuwa ku biira ururka Al-shabaab.

Ugu dambeyn Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka waxa uu ka codsaday in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed si aanay ugu biirin Al-shabaab.