Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,waxana uu u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka koonfur galbeed oo ay wehlinayeen kuwa taabacsan Wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed & kuwa Muqtaar Roobow ay holwgal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaanka Abal iyo tuulooyin kale,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo ilaa iyo hadda aan sirasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.
Guddoomiyaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa sheegay in Ciidamada isgarabsanaya ay u suurtagashay inay la wareegaan deegaannadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay bur buriyaan Saldhigyadooda.
Ilaa iyo hadda Al-Shabaab dhankoodaweli kama hadlin dagaalka tuulada Abal iyo deegaanada kale ku dhexmaray Ciidamada Koonfur Galbeed & kuwa Muqtaar Rooboow oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.



