DHAGEYSO: Dad badan oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Somaliland

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxa ay sheegayaan in ay korortay dadka uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka ee la dhigay Isbitaalka Magaaladaasi.

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ee gobolka Awdal ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen dadka cudurkaasi uu soo ridanaayo.

Mustaf Muumin Muuse ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad ka badan kun qof in laga daweeyay cudurkaasi.

Agaasimaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay caawiso dadka uu rito cudurka Shuban biyoodka ee ku sugan gobolka Awdal.

Gobolada maamulka Somaliland ayaa waxaa dhibaato badan ku haaya cudurka Shubanbiyooka, waxaana dadkii ugu badnaa la dhigay dhawaan Isbitaalka Magaalada Burco.