DHAGEYSO: C/xafiid iyo Halgan oo ku tartamay Tartanka Iskuulada Risaala “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada C/xafiid iyo Halgan ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo si habsami leh uga socda xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala.

Tartankan ayaa waxaa maalgelinaya Jaamacadda Banaadir, taasi oo Iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan siineysa Abaalmarino ay ku farxaan, inta aan la gaarin ciida, si ay ugu ciideestaan.

Iskuulada C/xafiid iyo Halgan ayaa xarunta dhexe ee Risaala la yimid min Shan Arday, waxaana ay soo bandhigeen tartan aad u heersareeya.

C/xafiid ayay ugu dambeyn guusha raacday oo keensaday dhibco gaaraya 12, halka Halgan oo la tartamayay uu keensaday 10 dhibcood.

Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada tartankii galabta dhexmaray labada iskuul iyo dhibcihii ay kala keensadeen.

Maalinta beri ah oo la soo gaba gabeyn doono wareega koowaad ee Tartankan ayaa waxaa is arki doona iskuulada kala ah Al-naciim iyo Daaru-taqwa, kuwaasi oo ku jira diyaar garowgoodii ugu dambeeyay.

 

DSC_1237 DSC_1241 DSC_1244 DSC_1251 DSC_1255