DHAGEYSO: C/laahi Goodax “Dowladdu Sh/Dhexe ayey uga eexatay Hiiraan”

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka waramay qorshaha haatan la doonayo in maamulka loogu dhiso gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee dowladda ay ka eexdeen gobolka Hiiraan ayna u eexdeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ogyihiin in madaxweynaha uu wado qofka uu doonayo in madaxweyne uu ka noqdo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe taasina ay cadeyn uhayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa dadaalo ay ku dooneyso sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.