Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliska iyo nabad sugida gobolka banaadir oo ay ka sameeyeen xaafadda suuqa xoolaha ayaa waxa ay kusoo qab qabteen dad kor u dhaafaya 20 ruux oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab.
Afhayeena maamulka gobolka banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa saxaafadda u sheegay howlgalkaan oo xalay ciidanka ay sameeyeen in lagu bartilmaameedsaday xaafado kala duwan oo ka tirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Waxaana uu sheegay dadka lagu soo qabtay howlgalkaasi in hada baaritaan lagu haayo.
Ciidamada amaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgaladaan oo kale waxa ay ka sameeyaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Iyadoo ujeedka ka dambeeya howlgaladan ay tahay xaqiijinta amaanka caasimadda muqdisho.


