Howlgalkan oo ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ilaa iyo Buur-hakaba.
Waxaana la sheegay in howlgalkan looga sifeynayo dadka isbaarada udhigta shacabka isticmaala wadooyinka halkaasi ku yaalla.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan dadka howlgalka lagu soo qab qabtay.
Gudoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Alcadaala ayaa sheegay in howlgalladan ay sii wadi doonaan, iyadoo lagu xaqiijinayo amaanka Leego iyo deegaanada ku dhow.
Maalmihii udambeeyay ayaa shacabka isticmaala inta udhaxeysa Wanlaweyn iyo Afgooye waxa ay ka cabanayeen dhibaatooyin loogu geysto wadooyinka halkaasi ku yaalla.


