DHAGEYSO: Maamulka gobolka “dowlado ka qeyb qaadanaya dhismaha Muqdisho ayaa jira”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka hadleen dhismaha wadooyinka  maalmihii udambeeyay ay ka wadeen magaalada Muqdisho .

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen dalalka Islaamka qaar ka mid oo ay ugu horeyso Sacuudiga.

Waxaana uu tilmaamay in ay kala hadleen arimo la xiriira ka qeyb qaadashada dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dhismaha wadooyinka.

Hadalka gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii udambeeyay maamulka gobolka Banaadir ay wadeen howlo lagu dayactirayo wadooyinka Muqdisho, iyadoo wadooyinkaas ay muhiim u yihiin shacabka Soomaaliyeed.