Madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in cudur aan la garaneyn waxa uu yahay balse leh astaamo ay kamid yihiin, shuban iyo matag, uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool gobolka Jubada dhexe, gaar ahaana deegaano ay kamid yihiin, Bu’aale, Salagle, Saakow iyo tuulooyin hoostaga deegaanadaasi.
Waxa uu sheegay in todobaadkii ugu dambeeyey cudurkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 100-qof oo shacab ah, isaga oo ku baaqay in laga qeyb galo bad baadinta dadkaasi.
Maxamuud Xasan, madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’ada Maareynta Musiibooyinka ayaa sidoo kale sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay deegaanka Saakow, oo kaliya ay ku dhinteen afartan iyo shan ruux oo uu saameeyey cudurkaasi.
Hay’adaha caafimaadka oo ay hormuud u tahay wasaarada caafimaadka ayuu u jeediyey in ay ka qeyb galaan sidii gar gaar caafimaad loo gaarsiin lahaa dadkaasi Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka Jubada dhexe.


