Ururada bulshada rayidka, hey’adda culimada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday magaalada Marka halkaas oo lagu dilay 6 Caruur ah iyo Ayeeyadood.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Afhayeenka hey’adda culimada Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ka soo horjeedo Diinta Islaamka.
Waxaana dadka Soomaaliyeed uu ka codsaday in ay u istaagaan waxkaqabashada arintaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay waxkaqabato in talaabo deg deg ahna ay ka qaado dhinacyada ku lugta leh colaada ka taagan gobolka iyo dadkii gubay Caruurta iyo Ayeeyadood.
Dhowaan ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay qoys degenaa magaalada Marko ku gubeen, iyadoo dowladda Soomaaliya arintan aysan wali wax ka qaban.


