Gareth Bale oo ku soo laabtay tababarka Real Madrid

Gareth Bale ayaa tababar la qaatay kooxdiisa Real Madrid ka hor kulanka sabtida ay wajahayaan kooxda Rayo Vallecano. isagoo kasoo laabtay dhaawac muruqa ah.

ciyaaryahanka ayaa ka maqnaa kulnakii xalay kooxdiisa 3-0 kaga badiyeen Villarreal ,waxaana shaki la gelinayay inuu safan karo kulanka Champions League ee Manchester City.

Bale aayaa si fiican ula shaqeeyay asxaabtiisa oo si weyn isugu diyaarinayay kulanka Horyaalka ee sabtida,lakin wali ma xaqiijin Real Madrid haddii uu kusoo bilaaban karo kulankaasi iyo haddii kale

Sidookale tababarka ayaa waxa maanta lagu soo daray ciyaartooyda kujira Castilla sida Marcos Llorente, Borja iyo Martin Odegaard.