Fabregas ayaa amaanay ciyaaryahanka khadka dhexe ee dhalinyarada Chelsea kasoo baxay Ruben Loftus-Cheek, isagoo sheegay inuu u maleeynayo 20-sano jirkaan da ahaan inuu jiro 28.
Loftus-Cheek ayaa ku bilaawday mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu danbeyay ee Chelsea waxaana uu si deg deg ah u noqday mid uu jeclaado tababare Guus Hiddink.
Fabregas,oo qudhiisu 28 jir ah , ayaa la dhacay qaab xididgan ay isku kooxda yihiin , lakiin ciyaaryahanka da’da yarka ahayuu ugu baaqay inuu joogteeyo xirfadihiisa.
“waxaan kaliya dhihi karaa in uu noqon karo ciyaaryahan weyn oo guulo sameeya,ayuu Fabregas u sheegay Goal.


