DHAGEYSO: Bare Hiiraale oo Nairobi kulamo kula leh saraakiil Mareykan ah

Nairobi-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta safaarada magaaladaasi Nairobi dowladda Mareykanka ay ku leedahay kulan ku yeelanayaan saraakiil ka socota dalka Mareykanka iyo Siyaasiga Bare Aadan Shire Bare Hiiraale oo ka mid ah siyaaasiyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka kaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay khilaaf uu kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland.

Bare Hiiraale ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxaana uu kulamo la qaadanayaa Mas’uuliyiin ka socota Mareykanka iyo Kenya.

Warar aan ka heleyno Kismaayo ayaa sheegaya in mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamo uu hogaamiyo Bare Hiiraale uu khilaaf ka dhaxeeyay, waxaana hada ciidamadaas gacanta ku haya ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in kulanka Nairobi looga hadli doono khilaafka Bare Hiiraale iyo Jubbaland iyo sidoo kale arimaha ciidamada Bare Hiiraale ee ku xareysan Kismaayo.

C/rashiid Macalin Gaas oo ka mid ah ciidanka Bare Hiiraale uu hogaamiyo sidoo kalena sheegay in uu yahay Afhayeenka Bare Hiiraale ayaa Idaacadda Risaala kaga warbixiyay Kulanka.

Bare Hiiraale ayaa ka soo horjeeda maamulka Jubbaland oo uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam.