DHAGEYSO: Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

Xilidhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka .

Kulanka baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inta badan in  looga hadlo qodobada dhiman ee shuruucda dalka iyo sidoo kale dhameystirka kala fadhigii 8 aad baarlamaanka Soomaaliya.

Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya xilidhibaan Maxamed Cumar Maxamed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in kulanka maanta uu ka dhacaya xarunta golaha shacabka .

Xilidhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu isku yeeray mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.