War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Baarlamaanada Wadamada carabta ee la soo gabagabeeyay ayaa waxaa taageero dhinacyo badan ah loogu muujiyay Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa shirka laga sheegay in Soomaaliya laga taageerayo dhanka Arrimaha amniga iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibada ee Baarlamaanka soomaaliya oo markii uu shirka soo dhamaaday ka dib la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in qodobadii laga so saaray shirka ay ahaayeen kuwa inta badan lagu taagerayo soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxdi ka qeyb gashay shirka ay si wadajir ah u shaaciyeen in ay si hagar la’aan ah u taageerayaan soomaaliya.
Xildhibaan dalxa ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi intii uu socday lagu cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalooyinka muqdisho iyo Beydhabo oo ay dad badan ku dhinteen.


