DHAGEYSO: AMISOM oo lagu eedeeyay in ay colaad ka hurinayaan SH/Hoose

Ciidmada Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta ayaa waxaa lagu eedeeyay in dib ugu soo cusbooneysiiyeen dagaal beeleedyo u dhaxeeya dadka wada dega gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdi Xirsi Faarax oo ka mid ah oday dhaqameedka ku nool Sh/Hoose oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ciidamada AMISOM waxa uu uga digay in aysan la safan beelaha dagaalka ka hurinaya deegaanada gobolka Sh/Hoose.

Waxaana uu tilmaamay in AMISOM ay dalka Soomaaliya ujoogaan nabad ilaalin, laakiin shaqadooda aysan aheyn in ay la saftaan dadka halkaasi dhibaatada ka wada.