DHAGEYSO: Ciidamada dowladda oo sameeyay howlgallo dad lagu soo qab qabtay

Cabdi kaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaaradda amniga oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa uu ka warbixixyay howlgallo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo uu sheegay in ay soo qab qabteen dad looga shakisan yahay in ay falal amni daro ah ay wadeen.

Dhinaca Kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in ku dhawaad 20 ruux lagu soo qab qabtay howlgal kale oo ay Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda ka sameeyeen ciidamada Nabad sugidda, booliska iyo ciidamada AMISOM.