Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankaas looga hadlayay amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii amniga kor loogu qaadi lahaa inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo Saraakiisha amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka Dhanka amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amniga Gacan bir ah lagu qaban doono,waxaana uu Xusay in ciidamada amaanka ay kor u qaadi doonaan sugidda amniga Gobolka Banaadir inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin.
Sidoo kale Guddoomiye Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda iyo dadka wax haysta in ay Gargaar u fidiyaan dadka Tabarta yare e aan heysan waxay ku afuraan maadaama la galayo Bisha Ramadaan.
Waxaa maalmo qura ka harsan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoo dadka qaarna ay aaminsan yihiin in marka la gaaro Ramadaanka ay Al-shabaab kordhiyaan weerarada.


