Dhageyso:-Al-Shabaab iyo Kooxda Macawiisley oo ku dagaalamay Sh/Dhexe

Dagalkaas ayaa waxaa Kooxda la magac baxday Macawiisleyda iyo ururka Al-Shabaab waxa uu xalay ku dhexmaray deegaano koostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Rag hubeysan oo  ka tirsan Kooxda Macawiisleyda ay weerareen Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday oo dhaliyey khasaaro laba dhinac ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho u sheegay in  uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, hayeeshee uu sheegay in kooxda Macaawiisley ay dib ugu soo laabteen goobtii ay weerarka ka qaadeen.

Maleeshiyada Macawiisley ayaa ah  Shacab is aruusaday, kuwaas oo sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibaatooyin ay kala kulmeen Al-Shabaab, waxaana ay inta badan Al-Shabaab kula dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkii xalay waxaa Kooxda la magac baxday Macawiisleyda iyo ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe weli dhankooda kama hadlin Ururka Al-Shabaab.