Rasaas ka dhaceysa Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa rasaas laga maqlaayo Gudaha Madaxtooyaddii Hore ee maamulka Galmudug ee Cadaado.

Rasaasta ayaa waxa ridaya ciidamo horay Gacanta ugu hayay Magaalada kuwaasoo maanta lagu amray in ay ka baxaan Madaxtooyadda,Maadaama lagu wareejinaayo Ciidamo dowladda Soomaiya u dirtay Magaalada.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in Xaalad kacsanaan ah ay ka taagneyd Saacaddihii ugu dambeeyay Magaalada Cadaado.

Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado waxaa ku sugnaa bilihii ugu dambeeyay Ciidanka ka amarqaata Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.