DEG DEG: Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad oo geeriyooday

Cali Cumar Nuur oo ka tirsanaa Baarlamaankii Sagaalaad ayaa Goor dhow ku Geeriyooday gudaha Garoonka Aadan Cadde ka dib markii uu Wadnuhu Istaagay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijiyay Geerida Cali Cumar Nuur.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Sababo Caafimaad uu doonayay in uu u aado dalka dibadiisa , laakiin markii tagay Garoonka in uu wadnuhu istaagay.

Meydka Marxuumka ayaa hadda laga soo saarayaa Garoonka Aadan Cadde, si Magaalada gudaheeda loogu duugo, waxaana arintaasi u dhaqaaqay ehelada marxuumka iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad.