Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxyo Khasaare geystay Saaka lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo maraayay degaanka Caddow Dibile ayaa la sheegay in lala eegtay Qarax, waxaana Qaraxaasi ka dhashay khasaare.
Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen degaanka Shalanbood, ayna kusoo jeedeen Muqdisho.
Dhan kale sida ay sheegeen dadka kunool degaanka Lambar 50 waxaa la qarxiyay gaari Sahay u siday Ciidamada AMISOM.
Qaraxyadaasi ayaa lagu soo waramaya in ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan .
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net


