Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay degmada Afgooye.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka ruux waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa beegsaday Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay Xaafadda Baar Ismaaciil.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 12 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net


