Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Gaari oo ka dhacay dhabarka dambe ee Guriga Hooyooyinka Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa waxa uu mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, maadaama uu ahaa Gaari walxaha Qarxal laga soo buuxiyay.
Qaraxan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Afaafka hore ee Rug caafimaad oo ku taalla dhabarka dambe ee Guriga Hooyooyinka Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka ayaa Risaala u sheegay Gaariga Qarxay in markii horeba ay Ciidanka ammaanka ku raadjoogeen, sidoo kalena aysan jirin cid ay waxyeelo ka soo gaartay.
Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen Dadka shacabka ah in halkaasi laga kala eryay markii hore, maadaama Gaariga laga shakiyay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo bartiisa Facebooka ku soo qoray hadal kooban ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen Raggii watay Gaariga, kaasi oo Qarxay inta aysan soo gaarin Hay’adaha Miina baarista.


