Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax jugtiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho kamid ah ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga Isgooska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay heleyso ayaa ku waramaya in qaraxaasi uu ka dhacay halka la dhigto gaadiidka oo ah afaafka hore ee Maqaaxida The Village.

Lama oga khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaani, waxaana durbadiiba goobta uu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaasi ka daad gureynaya dadkii ku waxyeeloobay.

Halkaan kala soco wxii warkaan kasoo kordha.