Khasaare ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM– Jug xoogan ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen qaraxan in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, uuna ka dhacay aagga wadada
Taleex.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay qaraxan inay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la sheegay inay saarnaayeen Mooto Bajaaj wadada mareysay.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la dhigay isbitaalada ku yaalla Muqdisho, warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan qaraxan in bartilmaameedkiisa uu ahaa gaari wax yar kahor inta uusan qaraxa dhicin halkaasi maray.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano, iyaga oo xiray wadada.