Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Ali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay caasimadda Puntland kadib safar uu ku joogay magaalada Muqdisho, isagoo Muqdisho uga qeyb galay shirar looga hadlayey arrimaha siyaasadeed ee dalka.
C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu gaaray Puntland soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro iyo xubno bulshada.
Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay shir gaar ah oo ay Soomaaliya ku yeesheen Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo diirada lagu saaray dhinaca siyaasadda iyo sida loogu baahan yahay in aan waqti dheeraad ah loogu darin doorashada Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in la meelmariyey hanaankii horey loogu heshiiyey, doorashadana ay ku dhici doonto waqtigii loogu talo-galey, iyadoo hadda diyaar garow loogu jiro shirka Dibu eegista Dastuurka.
C/wali Gaas ayaa cadeeyay in horumar laga gaaray arrimaha siyaasadda ilaa hadda, Puntland ay dooneyso oo kaliya in dhabaha horumarku noqdo mid loo wada dhan yahay.


