Faah faahin laga helayo Qarax ka dhacay Isgoyska KPP

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa qarax duhurnimadii maanta ka dhacay isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday ciidamo fariisin kulahaa isgoyska KPP, waxaana qaraxa nuuciisu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Waxaana ku dhimatay 1 qof halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ka akdhow halkaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa ka dib waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay iyagoo gabi ahaan wadada xiray.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa ay gaareen goobta waxaana ay sheegeen in qaraxa faah faahintiisa oo dhameystiran ay saxaafada u soo gudbin doonaan.