DHAGEYSO: Madaxweyne Guuleed oo kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta booqasho ku tagay xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana booqashadaas ku wehlinayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Madaxweyne Guuleed iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa ay kormeereen qeybaha uu ka kooban yahay xabsiga Dhexe iyo Maxaabiista ku xiran.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in maanta Madaxweynaha Galmudug ay ku wareejiyeen Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta maamulka Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu ubaahan yahay in laga taageero dhanka qalabyada xabsiyada iyo sidoo kale hey’adaha amaanka Galmudug sidii loo tayeen lahaa.