Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay inay halis ku yihiin qaranimada Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadallo kulul u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, isagoo ku eedeeyay inay khatar ku yihiin qaranimada iyo midnimada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isagoo yiri:

“Qaranimada waxaan ka ilaalineynaa qoladaan qaraabada ahayn ee magaalada qoryaha ku soo galay iyo kuwa Kolombiyaanka ah ee calooshood u shaqeystayaasha ah, kuwaas oo Soomaalida ka jecel.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku tilmaamay siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada inay yihiin cadowga qaranimada, isagoo sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin wax kasta oo wax u dhimaya jiritaanka iyo midnimada dalka.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax jawaab ah oo dhinacyada uu hadalkaasi quseeyo ay ka bixiyeen eedeymahaasi.