Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa khudbad u jeediyay dhalinyarada Soomaaliyeed Meelwalba oo ay jooggaan munaasabadda maallinta dhallinyarada awgeed oo ku asteysan maanta oo ah 15-ka May.
Waxaa uu ugu baaqay dhalinayaradda Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan qabyaaladda.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May, wuxuuna xusay taariikhda dhallinyaradi Soomaaliyeed ee aas aastay ururkii SYL oo uu tilmaamay in ay nooga tageen dhaxal aan duugoobeeynin.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay usoo jeestaan horumarinta dalkooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladdu ay dadaal badan ku bixineyso daryeelka dhallinyarada iyadoo shaqooyin loo abuurayo.
Waxaa uu ugu dambeyntii Alle ugu baryay dhalinyaradii SYL in uu Alle u naxariisto.



