Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta degmada Wartanabadda gaar ahaan Xaafadda Labo Dhagax ku dilay wiil dhalinyaro ah.
Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.



