Gudoomiyihii gudiga doorashada KGS oo iscasilay

Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in gudoomiyihii gudiga doorashada madaxweynaha maamulkaasi uu iscasilay.

Xildhibaan Carfo Aadan Ibraahim oo ahaa gudoomiyaha gudiga doorashada koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa in uu is casilay iyadoo weli uusan si rasmi ah u shaacin sababta ku kaliftay in uu iscasilo.

Ka hor iscasilaadiisa ayuu Xildhibaan Carfo maanta gudoonsiiyay shahaadooyinka musharaxnimada madaxweynaha maamulkaasi dhowr musharax oo uu ugu horeeyay musharax Mukhtaar  Rooboow.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in Gudoomiyihii hore ee gudiga doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu u dhawaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulkaasi Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Xiriira kala duwan oo ay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho la sameesay Gudoomiyaha iscasilay, si wax aan kaga weydiino sababta uu isku casilay ayaanan inoo suurta gelin.