Bay-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ay halkaasi ku dagaalameen.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalamay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maalmihii udambeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadeen deegaanada iyo degmooyinka gobolada Bay iyo Bakool.
Ilaa iyo hada lama xaqiijin tirada saxda ah ee dagaalkaasi ku waxyeelowday.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaanan wali ka hadlin dagaalkan maanta ay ciidamada Koonfur Galbeed ay la galeen ururka Al-shabaab.


