Hiiraan-RisaalaFM- Dad fara badan oo ku dhow hareeraha wabiga Shabeelle ayaa barakac sameeyay kadib markii Wabiga uu fatahaad xoogan sameeyay.
Magaalada Beledweyne gaar ahaan Xaafada Xaawo-taako ayaa ah meesha ugu badan ee saameynta ku yeeshay wabiga.
Meelaha Kale ee ay Qoysaska ka barakaceen ayaa waxaa Ka mid ah xaafada Kooshin kadib markii guryihii ay deganaayeen galeen biyaha.
Sido Kale fatahaada Wabiga uu sameeyay ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay wadooyin muhiim ah kuwaas oo Ku yaalla xaafadaha kala duwan ee ku yaalla magaalada Beled-weyne.
Wabiga Shabeelle ayaa mar walba sameeya fatahaad xoogan oo saameyn ku yeesha dadka degan hareeraha Wabiga.










