Cadaado-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow ay halkaasi gaareen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in gabi ahaan ay la wareegeen gacan ku heynta Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa in ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado.
Ciidamada Itoobiya ee Cadaado gaaray ayaanan wali la kulmin mas’uuliyiin ka socota maamulka Galmudug.
Baryahan ayaa waxaa la hadal hayay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay tagi doonaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.


