Xildhibaan Cabdi Xukun “Guul ayaa usoo hooyatay Mudanayaasha ka soo jeeda Afrikada Bari”

Johanesburg-RisaalaFM- Shirka xildhibaanada Baarlamaanada Afrika ee fadhigooda yahay magaalada Johanesburg ee Koonfur Afrika oo sanadkan doorashada Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Barlamaanada Afrika ka dhacayay ayaa waxaa ku tartamayay Laba Xildhibaan kuwaa kala matalayay Wadamada South Sudan iyo Jabuuti oo lagu kala magacaabo  Charles Majak iyo Safia Elmi Jabril,waxaana kulanka Xildhibaanada soo xaadirayay mudanayaal gaaraya ilaa 140 Xildhibaan.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay in ay noqoto Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Afrika Safia Elmi Jabril oo ka soo jeeda dalka Jabuuti.

Xildhibaanad Safia oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay xilkan cusub ee loo doortay, waxa ay u mahadcelisay dhamaan dadkii taageerada siiyay.

Xildhibaan Cabdi Casiis C/laahi Maxamed (Cabdi Xukun ) oo matalayay Xilbaanada Soomaaliya ayaa isagane dhankiisa sheegay inay tahay guul u soo hoyatay Mudanayaasha kasoo jeeda Gobolka Afrikada Bari in la doorto Safia Elmi Jabriil.

Xildhibaan Bilow Kerow oo ka  mid ah mudanayaasha matalaya dalka Kenya iyo Xildhibaanad Saxarla Cabdullaahi oo matalaysay Ethopia ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo guusha ay gaartay Xildhibaanada.

Todobaadkii hore ayaa waxaa guul sidan kale ka gaaray doorashada Wadamada Bariga Afrika inuu xilka Gudoominimada qabto Xildhibaan Cabdi Xukun oo matalayo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.