Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka dhacay Banaanbax rabshado watay oo ay dhigayeen Ganacsatada ku nool gobolka Hiiraan.
Banaan baxayaasha ayaa isku soo baxay bartamaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxayna kala la yimaadeen afarta xaafadood ee Baledweyne.
Ujeeda Banaanbaxa ayaa ahaa sarifka lacagta dollarka oo sare u kac ku yimid.
Wariyaheena Yuusuf Cabdi Aadan oo inooga soo warama magaalada Beledweyne ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.


