Deg Deg: Ciidamada Puntland oo Heegan buuxa la galiyay

Mudug-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Puntland ay ku jiraan heegan sare, isla markaasna laysku xiray dhamaan ciidamada, si ay uga hortagaan weeraro kasta iyo falal amaan darro oo laga yaabo in Al-shabaab ay geystaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay  in amaanka Puntland uu yahay mid sugan, oo ay har iyo habeen ciidamadu u taagan yihiin sidii ay ula socon lahaayeen amaanka guud ee Puntland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wada shaqeynta laamaha amniga la kordhiyey si ay kaga hortagaan fal kasta oo ay doonayaan Ururka Al-shabaab in ay fuliyaan bilaha Shacbaan iyo Ramadaan, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay ku jiraan xilli kasta howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Horey ayay aheyd markii cidamada maamulka Puntland ay dagaal kula galeen ururka Al-shabaab deegaan xeebeedka Garacad, kuwaas oo Bishii March 14-keedii doonyo ku soo gaaray Xeebaha gobalada Mudug & Nugaal inkastoo ciidamada maamulka Puntland ay iska difaaceen kooxihii weerarka ku soo qaaday.