Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Deegaanka Macaani oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay deegaankaasi ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas ku daraaya in kooxda dilka geysatay ay hori usii qaateyn qori nuuciisu yahay AK-47 oo uu askariga la dilay watay iyo gaari nuuca raaxada ah oo lagu sheegay in uu ahaa Surf.
Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay in uu ahaa Wadaad Yare waxaana la sheegayaa in kooxda dilka geysatay oo markoodii hore watay Mootada laba lugooleeda ee Fekon ay isaga baxsadeen halkaasi iyaga oo wata gaariga askariga.
Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka goobta uu dilka ka dhacay waxaa soo gaaray qaar kamid ah ciidamada amniga oo baaritaan ay ku baadi goobayaan kooxda dilka geysatay halkaasi ka wada.
Maalmihii dambe waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay kooxaha dilka geysta ee wata mootooyinka Fekonta oo ah mooto aad u fudud una sahleysa in kooxda dilka geysatay ay durbadiiba meesha isaga baxsadaan.



