David Cameron oo la kulmaya wasiiradiisa

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, waxaa la filayaa in uu la kulmo wasiiradiisa si uu ugala hadlo heshiiska laga gaaray isbedelka midowga Yurub ee lagu saxiixay Brussels.

Britain ayaa loo meel mariyay dhammaan dalabaadkii ay kullankaasi la tagtay. waxayna sheegayaan in hadda aysan ka bexeynin EU.

Mr Cameron waxa uu sheegay in hadda uu dadka Britain uu ku dhiiragelin karo inay aftida soo socta u codeeyaan inay ka sii mid ahadaan EU.

Tiro wasiirada sare kamid ah waxaa la filayaa inay u ololeeyaan in Britain ay EU ka baxdo.