Darawalka Gudoomiye degmo oo Muqdisho lagu dilay

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa Risaala u xaqiijiyay in uu geeriyooday darawalkiisa ka dib markii ay ku dhacday xabad.

Waxaa uu sheegay in darawalka ay haleeshay xabad ka fakatay mid ka mid ah Ilaaladiisa, waxaana uu sheegay in xabadda ay darawalka ugu dhacday si Ka’ma ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu haayo Askarigii ay xabado ka fakatay, islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii loo xalin lahaa dhibka dhacay.

Darawalka ayaa magaciisa lagu soo  koobay Cabdi qaadir Carab waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Laybeeriya ee Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.