Dalka oo maanta si mideysan looga ciiday

Iyadoo maanta ay tahay maalinta koowaad ee ciida ayaa maanta gobolada dalka Soomaaliya ,waxaa looga ciidaaya si isku mid ah.

Qaar ka mid ah wariyaasha Risaala ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maalinta koowaad ee ciidul fidriga isku mid ah saakay looga oogay guud ahaanba gobolada dalka oo dhan.

Gobolada Dhexe oo inta badan ka dambeyn jiray gobolada dalka 1 maalin ayaa la sheegaya in maanta si weyn looga ciiday sida ay Risaala u sheegeen madax ka tirsan maamulka Ahluna Suna.