Dagaalkii Cadaado oo joogsaday iyo xaalada oo dagan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug  ayaa sheegaya in ku dhawaad 3 qof ay ku dhinteen shan kalana ay ku dhawacmeen dagaalkii u dhaxeeyey ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Galmudug ay weerar ku qaadeen Xarunta Kafaalo oo ciidamada 21-aad loogu qaybinaayay Mushaaraad.

Xalaada magaalada Cadaado ayaa hada dagan,waxaana la sheegaya in laga qaaday ciidankii ku dagaalamay saakay magaalada Cadaado.

Mas’uuliyiinta iyo wax-garadka Cadaado ayaa sheegay in lala xisaab tami doono cidda yeelata is-ku dhaca geytay khasaaraha ee ka dhacay Cadaado.