Weerar toogasho ah ayaa ka dhacay dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Orlando ee Gobolka Florida.
20 qof ayaa ku dhawaacantay kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen kalaab ku yaala Orlando,halkaas oo ay joogeen dad aad u fara badan oo ku caweynaayay.
Weerar ayaa bilowday Waaberigii hore ee saakay sida laga soo xigtay ilaha ammaanka ee dalka Mareykanka.
Wararka waxa ay sheegayaan labo ruux oo hubaysan inay bilaabeen rasaas ay dadka ku tooganayaan, iyaga oo adeegsanaya hub ay wateen.
“Markii aan tagnay kalaabka waxaa dhagaheena ku soo dhacay rasaas culus waxaana bilownay inaan goobta ka baxsano.” Ayuu u sheegay Anthony Torres Wargeyska DailyNews.
“Dadka wax tooganaayay waxay wateen qoryaha fudud,waxaana aaminsanahay in ay jiraan dad badan oo weli goobta lagu heysto.” Ayuu yiri Jordan Hubler oo ka mid ahaa dadkii goobta ka soo baxsaday.


