Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay ku dagaalameen magaalada Cadaado waxaana la sheegaya in uu dagaalkaas ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dagaalka ayaa la sheegaya in uu dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo ciidanka Millateriga 21-aad ee ku sugan magaalada Cadaado ee KMG maamulka Mudug.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Galmudug ay weerar ku qaadeen Xarunta Kafaalo oo ciidamada 21-aad loogu qaybinaayay Mushaaraad.
Maamulka magaalada Cadaado oo aan la hadalnay ayaa sheegay in xaalada hada ay dagantahay, waxaana socda waan waan lagu dajinaayo xaalada.


