Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta oo ku fiday Jabuuti

Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti waxay sheegeen in xaafado ku yaalla caasimadda ay ka dhaceen rabshado u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta wada degan halkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Saciid Nuux Xasan ayaa sheegay in aanan loo dulqaadan doonin qulqulatooyinka ka dhacay halkaas.

Wuxuu sheegay in khasaare ay ka dhasheen rabshadaha balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin.

Sido kale waxaa jira guryo la guubay,booliska iyo ciidamada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jibuuti ayaa dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryay suntan dadka ilmada ka keenta.

Waxaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeysanayay dagaallo u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta kaas oo ka dhacay degmada Garba Ciise ee dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida waxay ku eedeeyeen Canfarta inay xasuuqayaan boqolaal kamid ah shacabka ku nool Garba Ciise.