Dagaal u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kooxahii la wareegay deegaano ka tirsan Bari iyo Nugaal ayaa ka bilowday duleedka deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.
Dagaalka xoogiisa ayaa la sheegayaa inuu ka socdo deegaan lagu magacaabo Suut oo ku yaala duleedka deegaanka Garmaal oo shalay ciidamada hubeysan ay qabsadeen.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland xalay ay ku hoydeen meel ku dhow deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal, taasi oo keentay in maanta labada ciidan ay isku dhacaan.
Ma jiro wax war ah oo wali laga helay laamaha amaanka ee maamulka Puntland.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah


