DHAGEYSO: Dad loo qabtay qaraxii Garbahaareey

Saraakiisha gobolka Gedo ayaa sheegay iney qabteen shaqsi la sheegay inuu ka dambeeyay qarax dhawaan ka dhacay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Sheikh C/raxmaan Ansaari oo ka mid ah saraakiisha gobolka Gedo ayaa sheegay in laamaha amaanka ay qabteen shaqsigaasi, markii baaritaan lagu sameeyayna uu qirtay inuu qaraxa ka dambeeyay.

Wuxuu sheegay in ruuxa la qabtay uu kamid ahaa dadkii la qabtay markii qaraxa uu ka dhacay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, sida uu sheegay Sheikh C/raxmaan Ansaari.

Wiilka la qabtay oo dhalinyaro ah ayaa sarkaalka wuxuu sheegay inuu qirtay in Alshabaab uu ka tirsanaa isagana uu abaabulay qaraxa.

Sharciga ayuu sheegay in la horkeeni doono ruuxaasi la qabtay, laakiin ma jirto cadeymo muujinaya inuu qaraxa ka dambeeyay oo saraakiisha ay soo bandhigeen.